Wednesday, August 3, 2016

Wax Ka Baro Da’yarta Ugu Fiican Qaar Kamid Ah Kooxaha Ugu Waa Weyn Yurub

Iyadoo aysan jirin kulamo rasmi ah oo ay ciyaarayaan kooxaha horyaalada yurub,waa waqtigii ugu fiicnaa ee ay da’yarta ku qancin lahaayeen macalimiinta kooxahooda iney siiyaan fursad ay kaga soo muuqdaan kooxda koowaad, hadaba waxaan maqaalkaan ku eegeenaa qaar kamid ah xidigaha mustaqbalka leh ee ku jira kuliyadaha qaar kamid ah kooxaha ugu waa weyn yurub (Marka laga reebo kuwa ingiriiska).
Barcelona

Barcelona kuliyada caanka ah ee La Masia ayaana u baahneyn sharaxaad badan, waxaana jira wiilal raadinaya iney raacaan wadadii Lionel Messi, Andres Iniesta, Gerard Pique waxaan ahaatan liiskaan horkacaya burburiyaha khadka dhexe ee Sergi Samper oo 21 jir ah kaasoo xili horeba saftay La Liga iyo Champions League wuxuuna doonayaa inuu u qaan gaaro sidii Xavi.
Croatian playmaker Alen Halilovic , 20, will be chasing first-team opportunities at Barcelona this time

Lee Seung-woo has been compared to Messi

Kubad sameeyaha Croatia Alen Halilovic oo 20 jir ah ayaa isna fursadiisa kooxda koowaad ka raadsan doona Barcelona, hadii isaga loo yaqaano ‘Croatian Messi’, sidoo kale waxaa jooga 18 jirka Korea ee Lee Seung-woo oo ah dhigiisa Korean, wuxuu yimid Barcelona xagaagii laakin uma ciyaari karin ilaa January maadaama ay suuqa ka ganaax naayeen, sidoo kale waxaa rajo badan laga leeyahay Carles Alena oo ah 18-kubad sameeye ah oo ka tirsan xulka da’yarta Spain isagoo wacdaro ka dhigay tartankii UEFA Youth League halkaasoo uu gool cajiib ah kaga dhaliyay Roma.
Carles Alena impressed in at youth level last season

Real Madrid

Dhamaan waan garaneynaa Martin Odegaard, dabcan ma ogin wax auu mustaqbalka u hayo 17-jirkaan Norwegian ka ah maadaama Zinedine Zidane uusan la dhacsaneyn, sidoo kale rajo badan ayaa laga qabaa inuu guulo ku gaaro Bernabeu da’yarka Marco Asensio, 20-jirkaan ka yimaada Majorca ayaa amaah ku soo qaatay Espanyol kuwaasoo doonaya iney markale ceshtaan laakin Real ayaa qorshe kale rabta,
Marco Asensio gained valuable playing time on loan at Espanyol last season, and will hope to break through

Qof waliba ayaa daawanaya Dominican ka Mariano Diaz Mejia, 22 jirkaan ayaa goolal badan dhaliyay sanadihii ugu danbeeyay wuxuuna qeyn ka yahay kooxda haatan joogta mareykanka, sidoo kale gooldhaliyaha Borja Mayoral ayaa amaan ka muteystay Zidane waxaana lala barbardhigaa Raul. wuxuu ka caawiyay Spain ku guuleysiga koobkii Under-19 European Championship sanadkii hore.
Teenage striker Borja Mayoral , who has been praised by Zinedine Zidane, has drawn comparisons to Raul

Atletico Madrid

Diego Simeone ayaa wali dhalin u soo saaraya Atletico waxaana la iloobi karin dhamaan wiilashii ciyaaray finalka Champions League ee Saul Niguez, Angel Correa iyo Jose Gimenez ay wada yihiin kaliya 21 jiro, waxaa iyaga ka danbeeya da’yar kale oo leh mustaqbal sida goolhayaha Portuguese ee Andre Moreira iyo saxixa cusub ee ka yimid Portugal ee Diogo Jota kaasoo labo si joogto ah ugu ciyaarayay Pacos Ferreira.
Atletico Madrid will hope that new signing Diogo Jota can be the next star to break through at the club

Bayern Munich

Waayo cusub ayaa u bilowday Bayern kadib imaatinka Carlo Ancelotti waxana kooxdaasi jooga da’yar leh waayo ifaya sida Kingsley Coman iyo Joshua Kimmich uu ku soo kordhay mucjisada Portugal ee hanta Euro ga ee Renato Sanches.
There are high hopes at Bayern Munich for defensive midfielder Niklas Dorsch

Kuliyada kooxda Bavarians waxa aad loo filanayaa Niklas Dorsch iyo weeraryahanka Serbian ka ah ee Milos Pantovic kaasoo ka tirsan kooxda labaad ee
Borussia Dortmund

Xaqiiqdii Julian Weigl ayaanan u tirin karin kaliya da’yar maadaama uu 51 jeer u ciyaaray Dortmund 20 jirkaan ayaana sidoo kale u ciyaaray xulkiisa Germany iyadoo Thomas Tuchel uu aaminay da’yarta, sidoo kale waxaa war wanaagsan u ah saxiixa 18 jirka Turkey ee Emre Mor, kaasoo ka yimid kooxda Danish ka ah ee Nordsjaelland sidoo kale waxaa joogaa Osmanne Dembelle oo aan ognahay tayadiisa iyo khadka dhexe ee Spanish ka ah ee Mikel Merino iyo waliba 17 jirka American ka ah ee Christian Pulisic, kaasoo xili horeba qarankiisa u saftay waxaana wehlinaya Felix Passlack, kaasoo sadex kulan u saftay BVB.
Borussia Dortmund boss Thomas Tuchel talks to Emre Mor, who starred for Turkey at Euro 2016

PSG

Da’yarta tayada leh ee PSG ee ka yar -19 jirada ayaa gaaray finalka UEFA Youth League xili ciyaareedkii hore waxaana tumay Chelsea, dadka ka dhex muuqday waxaa kamid ah weerayahan Jean-Kevin Augustin, 19, oo shan gool ka dhaliyay tartankaas wuxuuna 17 kulan u saftay kooxdi macalin Laurent Blanc, khadka dhexe eeChristopher Nkunku oo shan kulan u saftay kooxda koowaad iyo waliba weeraryahanka Ivory COast ee Meite Yakou.
Jean-Kevin Augustin was rewarded with 17 senior games last season after impressing in the youth league

Juventus

Kooxda heysata horyaalka talyaaniga ayaa ku hubeysan Moise Kean kaasoo lagu naaneeso ‘New Mario Balotelli.’ wuxuu ahaan kasoo jeedaa Ivoria COast, Kean ayaa si joogta ah goolal ugu dhaliya da’yarta kooxdaasi laakin mustaqbalkiisa yaana la hubin iyadoo uu wakiil u yahay ninka dabeecada xun ee Mino Raiola.
Moise Kean has been scoring goals for fun in the Juve youth teams and is compared to Mario Balotelli

No comments:

Post a Comment