Wednesday, August 3, 2016

Maqaal: Maxaa Laga Filan Karaa Breel Embolo, Marcus Rashford, Gianluigi Donnarumma Iyo Da’yarta Kale Ee Xiisaha Leh Ee Yurub ? Waase Kuwee Da’yarta Ugu Fiican Caalamka Waqti Xaadirkaan ?

Waxaa xili ciyaareedkii hore jiray tiro ciyaartooy da’yar ah oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah qasbadayna in kooxahooda ama wadamadooda ay ka noqdaan dookha koowaad ee boosaskooda, waxaana su’aalo la iska weydiinayaa hadii ay joogtaan karaan ama ay halkooda kasii wadi karaan qaab ciyaareedyadii balan qaadka lahaa ee ay soo bandhigeen xili ciyaareedkii hore.
Hadaba waxaan maqaalkaan oo uu qoray qoraaga soomaaliyeed ee dhanka Sports ka ee Nazal Maxamed Saalax ku eegeenaa ciyaartooydaas xiisaha leh ee la filayo iney heer sare gaaraan xili ciyaareedka cusub.
Hector Bellerin (Arsenal)

21 Jirka Arsenal Hector Bellerin ayeey indhaha caalamka eegi doonaan sidii xili ciyaareedkii hore oo kale, Xidigaan booska ka helay xulkiisa tartankii Euro 2016 ayaa u dagaalami doona xili ciyaareedkaan sidii uu u noqon lahaa dooqa 1aad ee daafaca didig ee xulkiisa.


Bellerin ayaa kamid ah xidigaha waqti xaadirkaan dunida ugu fiican garab danbeedka didig, xili ciyaareedkii hore 48 kulan oo rasmi ah ayuu u saftay isagoona dhaliyay 1 gool sidoo kalena sameeyay 8 caawinaad, dhameestirka iyo Qaab ciyaareedkiisa ayaa ah mid u qalma horyaalka EPL isagoo da’diisa yar tahay.
Breel Embolo (Schalke)

Da’yarkaan naadiga horyaalka Bundesliga Schalke Aduunka lacageed ee dhan 27 milyan oo Euro ay kagala soo wareegtay naadiga Basel ayaa ah mid kamid ah xidigaha Wax Qabad sare laga sugaayo Season ka cusub. 19 jirkaan ka ciyaara booska 9aad ayaa 4 kulan saftay tartanka UCL isagoona wax gool ah dhalin.


Embolo ayaa xili Ciyaareedkii hore 40 kulan saftay Basel isagoo 13 gool iyo 9 caawinaad sameeyay. Kubadaha Dilka ee laga ciyaaro Horyaalka Switzerland xidigaan ayaa la filaa inuu Si Fudud ula qabsado Bundesliga Horumar fiicana ka sameeyo.
Kingsley Coman (Bayern Munich)

Coman oo ah Weli 20 sano jir ayaa 3 naadi oo kala duwan kula guuleestay 3 Horyaal (PSG, Juve & Bayern).
Coman ayaa sanadkaana amaah kusii joogi doona naadiga Bayern Munchen. xidigaan ayaa ciyaaray in ka badan intii la filaayay tartanka Euro2016, Xidigaan ayaa 35 kulan uu xirtay Maalyada Bayern ayuu dhaliyay 6 gool isagoo a 12 caainwaad sameeyay. Da yarkaan ayaa ka faaiideestay Maqnaan shahii Ribery Iyo Robben waxaana la filayaa in Xili ciyaareedkaan uu heerkiisa kor u sii qaado.


Joshua Kimmich

Naadiga Bayern ayaa xagaagii hore qiimo dhan 8.5m xidigaan Stuttgart kala soo wareegtay. Kimmich ayaa fursad u helay Inuu kamid noqdo Shaxda Germany ee Tartanka Euro kadib baahi ka heesatay Xulka Daafac Danbeedka midig, Isagoona xili ciyaareedkii tagay ka ciyaaray Daafac dhexe iyo booska burburiye.


Kimich oo Booskiisa saxda yahay khadka Dhexe ayaa si fiican uga soo baxay waajibkii laga saaray baalkiisa daafaca. 36 kulan uu saftay inuu gool dhalin waayo markaa eegno booskiisa waa wax caadi ah, xidigaan ayaa xili ciyaareedkaan la filayaa inuu cayaaro booskiisa saxda ah isla markaasna qaab ciyaareedkiisa kor usii qaado
Ousmane Dembele (Dortmund)

Dortmund oo sanadyadii ugu danbeeyay ku fiicneed lasoo wareegida xidigo horumar fiican leh ayaa sanadkaana mar kale lasoo wareegtay da’yar aad u heer sareeyo. Dembele ayaa ku fiican kubadaha hal ka halka ah ee, Ganbiska.


Marka aan eegno kulamada saaxiibtinimo uu la qaatay naadigiisa Dortmund waxaa dhahi karnaa waa xidig wax badan kusoo kordhin doono naadigiisa Horyaalka markuu bilaawdo. xili ciyaareekii aynu kasoo gudubnay 12 gool iyo 5 caawinaad uu ka caawiyay naadigiisa Rennes isagoona aduun lacageed dhan 15 Million ugu soo biiray naadiga reer Germany
Leroy Sane (Schalke)

Da’yarkaan reer Germany ayaa u muuqda Mid katagi doona Schalke 04. Sane ayaa waqti badan kahelin Shaxda Germany ee Tartanka Euro. Xidigaan Garabka ka ciyaara ayaa sidoo kale awood u leh inuu ka ciyaara Boos walba oo Weerarka ah. xili ciyaareedkii hore 42 kulan uu saftay 9 gool iyo 7 caawinaad ayuu naadigiisa ka caawiyay.


Naadiyada ugu waaweyn Yurub ayaa doknaaya Da’yarkaan Indhaha Caalamka Kusoo jeedi doonaan xili Ciyareedka cusub.
Dele Alli

Da yarkaan Xili ciyaareedkii aan kasoo gudubnay soo bandhigay horumar aad usareeya looga wacay Xulka England tartanka Euro2016
Da yarkaan Xili ciyaareedkii aan kasoo gudubnay soo bandhigay Horumar aad usareeya taasi uu miro dhalkeediina noqday inuu safto tartanka Euro2016 islamarkaasna noqdo mid kamid ah dooqyada ugu horeeyo Khadka dhexe ee macalınkii hore ee xulka England


Laakiin da yarkaan ayaa xulkiisa waxba ka badalın Dhibaatada xulkiisa heesata sanadyadii ugu danbeeyay. Alli ayaa ku guulestay Abaalmarınta Da yarka ugu yar horyaalka EPl ka isagoo xili ciyaareedkii hore saftay 46 kulan naadıgıısana ka caawıyaya 10 gool ıyo 11 caawinaad. 20 jirkaan ayaa mar kale indhaha caalamka kusoo jeedı doonaan Xılı cıyaareedka cusub
Gianluigi Donnarumma.

Da yarkaan loo arko badalkıı Goolhaye ha weyn ee Xulka İtaly iyo naadiga Juve Buffon ayaa walı ah 17 jir isagoona kulamadıı 1aad ee lagu soo bılaabay naadigiisa AC Milan tusay inuu yahay booska 1aad ee naadiga isagoona booska ka saaray 2dii goolhaye ee kale markii kulamadıısıı ugu horeeyay Shabaqiisa ilaashaday.


Da yarkaan ayaa isagoo jira 16 sano lagu amaaneeyay goolka naadiga waxuuna tusay inuu xilkaan gudan karo wuuna kasoo baxay Tanı ayaana loo arkaa in Waqti yar gudahood inuu ku noqdo goolhaye yaasha caalamka ugu fııcan ınaysan noqon karın arın lala yaabo. Donnarumma ayaa 40 kulan saftay Seasonkıı hore ısagoona 14 kulan shabaqıısa ılaashaday.
Anthony Martial – Manchester United

Anthony Martıal oo ah mid kamid ah xidigahii Horumarka ugu sareeyo sameeyay Xılı cıyaareedkıı tagay Horyaalada Caalamka ayaa naadigiisa ka badbaadiyay inay Kaalimaha hoose ku dhameesato xili ciyaareedkii hore, Unıted oo sanadkaan lagu tırınaayo mid kamid ah naadiyada ugu adag kadıb markii sameesay Saxiixyo waaweyn, Martial ayaana noqon doona mid mar kale laga sugaayo waxqabad u dhigma kii sanadkii tagay.


Da yarkaan aduun lacageed dhan 50 million Euro uga soo biiray Monaco ayaa Waxqabadkii laga sugaayay xili ciyaareedkii ugu horeeyay kasoo baxay. 20sano jirkaan kasoo jeeda France ayaa xili ciyaareedkiii tagay 49 kulan uu saftay naadigiisa ka caawiyay 17 gool iyo 7 caawinaad.
Marcus Rashford – Manchester United

Marcus Rashford ayaa ah mid kamid miraha naadiga Unıted uga soo baxay Da yarteeda ıslamarkaasna loo arko inuu noqon doono mid kamid ah Xidigaha ugu wanaagsan booska 9aad. Ronaldo ayaana ku tılmaamay Da yarkaan ınuu leeyahay wax walba oo looga baahnaa xidig booskaan ka cıyaara ısagoona ku daray inuu ka arko da yarkaan Xirfado uu lahaa waagii uu yaraa. 18 jirkaan ayaa ahaa mid kamid ah xidigahii uu soo saaray Louis Van Gaal xili ciyaareedkii hore isagoona kulamo waaweyn naadiga ka caawiyay inay guuleesato kuwaas oo ay ugu waaweenaayeen kulamada naadiyada Arsenal iyo Man City.


Da yarkaan kasoo jeeda England ayaa dunida waqti yar ku tusay Awoodiisa isagoona 8 gool dhaliyay Kulamada Rasmiga ah uu dheelay isagoona looga yeeray Xulka England ee matalaayay tartanka Qaramada Qaarada Yurub. Way adag tahay inuu booska kula dagaalamo xidig Zlatan İbrahimovic oo kale ah laakiin waxaa xaqiiq ah inuu Qalqal galin doono intuu garoonka ku jiro.
Renato Sanches – Bayern Münih

Renato Sanchez oo ah mid kamid ah xidigaha khadka dhexe ee Daawashadooda indhaha caalamka soo jiitaan walina waa 18 jir, Waxuuna Xagaagan aduun lacageed dhan 35 Million Euro ugu biiray Naadiga Bayern Munich. Sanchez ayaa noqday xidigii ugu yaraa ee ku guuleesta Tartanka Euro isagoona maalyada xulkiisa xirtay 11 jeer.
13815028_1042458669177050_127845520_n

18 jirkaan ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay u ciyaaraayay naaadiga Benfica isagoona u ciyaaray 77 kulan waxuuna naadigiisii hore xili ciyaareedkii tagay ka caawiyay 6 gool iyo 6 caawinaad, Naadiga 1aad ee qaranka Portugal waxa uu usaftay 35 kulan isagoona 2 gool iyo 1 na ka caawiyay. Daawadayaasha Caalamka ayaana sugi la Waxqabadkiisa Horyaalka Bundesliga uu kusoo biiray kaas oo ah dooqa 1aad ee Da yarta sanadyadii ugu danbeeyay.
Emre Mor – Borussia Dortmund

Da yarkaan ayaa horumar fiican kusoo bandhigay naadiisii hore Nordsjaelland xili ciyaareedkii tagay. Mor ayaa ku fiican ganbis isagoona lagu tilmaamo New Messi sidoo kale waxa uu si dhaqsi ah u qaadan karaa Go’aanka inta uu garoonka ku dhexjiro.


18 jirkaan ayaa looga wacay tartanka qaramada yurub isagoona 2 kulan xirtay maalyada xulkiisa tartankaan, Wakiilada Dortmund ayaana la dhacay Horumarka xidigaan iyagoona isla markiiba lasoo wareegay xidigaan heesta dhalashada Turkey. Thomas Tuchel Macalinka Dortmund oo ah nin jecel ama horumar gaarsiiya Da yarta ayaa la filayaa inuu xidigaan caawin doono.

No comments:

Post a Comment