Tuesday, February 2, 2016

maxaa kataqaan tiyaanis? culimaduna maxey ka dheheen?


Tiyaanis(tiens) Company
______________________________________________________________________
Maxey tahay tiyaanis.?
===========================
Tiyaanis waa shirkad laga leeyahay Shiinaha waxayna ka faa'iidaa ganacsiga ku saleysan
Ribada ama waxa afka carabiga lagu yiraahdo(شركات تسويق الهرمي)
--------------------------------------'--------------''
Shirkadaan waxaa aas aasay
Nin lagu magacaabo Li jinyoun
oo u dhashay wadanka shiinaha
Waxa uuna aas aasay sannadku
markuu ahaa 1995.

1998 waxay bilaawday Iney suuqgeyso daawo dhireed( herbal)
Daawoyinkaas waxey u iib geey jirtay Waddamada aan Sharci kajirin ama kuwa xukunkoodu uu liito si aan loo baarin daawoyinkaaas.
Shirkaddaan waxey kubilaabatay
markeedi hore Eeshiya (qaarada aasiya) bari waxeyna usii gudubtay Africa oo ay sifiican uga faa'iideysatay Maadaama shaqa yari baahsan ay ka jirto.
Masar, suudaan butuswaana, gaana, murutaaniya,
Iyo galbeedka afrika intooda badan
Ayey Si indho la'aana uga buuxsantay , kadibna afrikada bari ayey usoo gudubtay
Suudaan iyo itoobiya ayeyna markii ugu horeysa timiday.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Hadaba sidee kusoo gaartay gayiga somaaliyeed.?
"::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Magaalada jig-jiga ayey markii ugu horeyday soo baadisay
waxeyna adeegsadeen dhalin yaro badan oo somaali ah
Si aana looga shakin , loona ogaanin qiyaanadeeda.
maadaama aanan somaalidu kala xadidneyn
oo had iyo jeer isu gooshaan
Waxaa usuura gashay iney tagaan
Jabuuti iyo waqooyiga somaaliya.
Muddo afaranadan markii ay adeeg sanaayeen dhaliyo somaaliyeed oo ay usheegayaan shaqo abuur ayaa idiin wadnaa
Ayaa la ogaaday iney ku shaqeyso Habka ribada ah ee diinteyna lagu xaaraan timeryay
Kadibna culimada ayaa dadka uga digay in shirkadaas lagu biiro
Lagana ganacsado,
Kadib markii khiyaanadeedii bannaanka usoo baxday
waxay usoo carareeen koofurta somaaliya.
Muqdisho iyo tiyaanis
------'-'-''---------------------------------
Bilaawgii sanadkii tagay 2015
waxaa si dhuumaaleysiya kusoo galay shirkada tiyaanis oo adeeg saneysa Dhalin yarada muqdisho
waxayna furteern laba xarumood
oo kukala yaal Bakaaro iyo siinaay.
Habkeey ushaqeysaa shirkadda tiyaanis ee muqdisho kutaal ?
........................................................
$30 dollar ayaa la isku diiwaan galshaa
Kadibna waxaa bixinee lacag dhan $200 dollar oo cadeyn ah
Ama waxaa iibinee daawooyin iyaga usoo tagto in la eg $200
Daawo yinkaasi waa kuwa aan la ogeyn tayadooda waana daawo dhireed.
Kadibma
waxaa shirkadda keenee ilaa Shan qof oo iyaguna maraayo intaa soo martay oo kale ( waa is diiwaan galinayaan).
Kadibna waxaa kuu bilaabmaya
xoogaa yar oo gunna ah, markastoo dad kusoo xirtidna waa kuudii kordhee gunadaadu.

Mar aan booqday xarunta tiyaanis iyo wixii aan kusoo arkay.?
___________________________________
waxa ay dagan yihiin guri kuyaal
afaafka hore ee suuqa bakaaraha
ILLinka hore ee dhismaha waxaa
buux dhaafiyay dhalin yaro tiro badan oo isugu jiro gabdho iyo wiilal.
Waxaan tagay dabaqa koobaad ee dhismaha, mashquul farabadan ayaa kajira , dhalinyaro yar yar aya arkay oo is diiwaan galinaayay markaas.
Waayeel ayaan arkaayay oo daawoyin laga iibinaayo.
Waxaan uga sii gudbay Qeybta 2aad sawaxan ayaa maqlay
waxaan milicsaday qolal ka mida
dhismaha waxaana ka socday
Siminaaro, waxaa cashiro la siinaayay Dad aad ubadan .
waan istaagay waxaana maqlay
Siminaar bixiyaha oo oranaayo:
( Si aad dad ukeentid shirdada
waa inaa saaxiibadaa usheegtid
Inaa uheysid shaqo muhiima.
waxaa kugu waa jiba inaadan usheegin shaqada waxey tahay
Ilaa saaxiibkaa uu Shirjada kuugu yimaado .
markuu kuu yimaado, ugey shaqaalaha utaba baran Soo dhaweynta.)
Nasiib xumo markaas maheysan Aaladaha wax lagu duubo.
Dib ayaa usoo laabtay , Intii aan usii socday qaybta hoose waxaan maqlaayay codkaan oo si wada jira loo qaadaayo ( Hal maalin milyineer noqo .) oo lagu celcelinaayo.
Mashquulka kajiro dhismaha maqiyaasi kartid
Dadka meesha joogo waa ay kala sareeyaan darajo ahaan sidaas ayeyna ukala musjaar badan yihiin.

Shareecadu maxey kaqabtaa kaganacsiga shirkafaas?
------------------------------------------------------
Culimada ku dhaqan waqooyiga somaaliya ayaa fatwooyin kasoo saaray shirkaddaan
waxayna ganacsigeeda kutilmaameen ribo
waana xaaraan kaganacsiga shirkadaan.
KANI WAA NUQUL FATWO AY SOO SAAREEN CULIMADA KUNOOL
PUTLAAD.

Shirkadaha Tiyaanis (Tiens) iyo DXN ee ku shaqeeya ganacsiga salka-ballaaran iyo sharikaadka kale ee lamidka ah ee waayahan ka hawlgalayay deegaannada Puntland iyo qeybo kamid ah gayiga Soomaaliyeed waa sharikaad ku shaqeeya nidaamka Ribawiga ah ee diinta Islaamku xaaraamtinimeysay iyadoo ganacsigeedu uu ku jiro Khiyaano, Jahaalo, Kado (Qarar) iyo xoolaha dadka oo lagu qaato si xeeladeysan xaqna aan ahayn, sidaa darteed ma bannaana in laga mid noqdo, loo adeego iyo in laga ganacsado toona waxaana waajib ah in hay’adaha ku shaqada leh ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.
Hadaa rabtid fatwada oo dhameystiran
waxaa kaheli kartaa mareegyada somaalida
ama halkaan ayaa kusoo bandhigi doonaa ee karaadso
www.mohamedjeyte.blogspot.com

sidoo kale waxaa fatwo kasoo saaray culimada ku dhaqan
somaaliland
Oo iyana ku raacay culimadii hore
xaaraana kutilmaayay
Halkaan riix oo daawo fatwada culimada
Daawo fatwo ay culimada somaaliyeed kasoo saareen shirkadda tiyaanis

 Shiradaan ayaa dhaqaalo ka abuureysa muqdisho
madaama aaney dadku kawar heyn
iyo dhalin yarada oo uheysta iney shaqa abuur utahay.
Dhirkaadaan waxay ku casn baxaday
Ribo, khiyaano, iyo
Dadkoo lasiinaayo daawooyin dhacay.
Hadaba dhalin yarada somaaliyeed
waa iney kadig toonaadaan
Shiradaan shiinaha laga leeyahay
iyo dhamaan wax yaabaha
Lid ku ah diinta islaamka.
waxaa soo aruuriyay qormadaam
Maxamed cabdi jeyte

No comments:

Post a Comment