Tuesday, December 29, 2015

Taarikhada fog ee udhexeysa simaaliya iyo itoobiya.


Warqaddii Boqor Menelik-II u diray Reer-Yurub bishii Abriil 10, 1891 wuxuu ku yiri: “Waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga Kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah”.

Hordhac:

Dabayaaqadii bishii Mey ee sannadkan 2002da ayaa bar ka mid ah baraha internetka ee ay Soomaalidu wax isugu tebiso (Somalitalk) waxa la iiga soo saaray dhanbaal 8 bog ka kooban oo uu qoray siyaasiga Soomaaliyeed ee ruugcaddaaga ah; Cabdirasaaq Xaaji Xuseen. Haddiiba aniga oo aan in badan ka akhriyin ayay sadarradii hore i soo jiiteen. Dabadeedna bogba bog buu ii dhiibey, goor aan dhammeeyeyna ma aan ogeyn. Mar kale iyo mar saddexaad ayaan akhris ugu noqday, aniga oo faqrad-faqrad u dhadhansanaaya, aadna i mooddid arday kor ka qaybaaya cashar goor dhow loo dhegeysan doono!

Badanaa waraaqaha siyaasadda Soomaalida lagaga hadlo ee baraha internetka ka buuxa, waayadan ma daneeyo, haddii ay gacantayda soo galaanna waan baylihiyaa. Agtayda way ka xiise-beeleen. Muxuu, kolka, dhanbaalkani maanka iiga xaday weeye su’aashu? jawaabteeda oo koobani waxay tahay: farriinta uu sido iyo hugunka laabtayada ayaa iswaafaqay!

Aan ku noqdo dhanbaalka Cabdirasaaqe, horta wuxuu ku qoray Af-Ingiriis (Mey 19, 2002), wuxuuna ku saabsan yahay Itoobiya wixii ay shalay Soomaalida ku fashay, sida foosha xun ee maanta dandarrada haysa ay uga faa’idaysaneyso iyo tabcooyinka lagama-kacaanka ah ee ay berri la maaggan tahay. Waa xilligii loo baahnaa dhanbaal ku soo beegmay oo, shisheeyaha loogu talo-galay ka hor, Soomaalida lagu daafacayaa ay baahi weyn u qabto. Waxaan is-iri: Waa dulmi dhanbaalkan oo kale inuu ku dhex-wareego oo keliya Soomaalida inta kombiyuutarrada haysata ee internetka rukuman karta, af-ingiriiskana wax ku akhrin karta. ‘Kolka maxaa la yeelaa?’ markii aan isweyddiiyeyna waxaa ila habboonaatay in aan Soomaaliyeeyo, dabadeedna lagu faafiyo internetka iyo wargeysyada dalka iyo dibeddaba ka soo baxa.

Waxaa haddaba jira dhawr sababood oo aan dartood hawshan u galay, iguna dhiirri-geliyey. Waxaa ka mid ah:
1) Inay muuqato Soomaalida dhexdeeda weli inay ku dambeeyaan qofqof meelo ku qarsoon oo isaga oo aan kursi iyo xoolo ka jeeqaaqeyn aayaha dalka ay dani ka hayso, darxumadiisana ka gubanaaya;

2) Inay Soomaalida u caddaato Cabdirisaaq oo 80 sano cagacagaynaya inuu dalkii hiil u doontay; markii ay dadkiisii u qaybsameen kooxo Itoobiya kolba cad ka iibinaaya, in kuwaas u sacab-tumaysa iyo in, cabsi awgeed, ku fiirsanaysa;

3) Bal inay dadweynaha Soomaaliyeed maqlaan hawraar iyo doodo ka duwan waxa silloon ee siyaasiyiin-ku-sheegga aqoondarradu dilootey ay dhegaha ugu shubayeen toban-iyo-dheeraadkii sano ee la soo dhaafay; dood madax bannaan oo saraakiisha nabadsugidda Itoobiya aan markeedii hore laga soo maqlin, mar walbana lagu raalli-gelineyn; dood ka sarraysa magaalo-hebla, reer-hebel baa leh, degmo hebla reer-hebel baa laga haystaa, qabiil-hebelna Tigrayga Itoobiya ayaa ii dhaama; dood qab-waddaninnimo uu ka dhadhamaayo oo ninka inoo soo jeedinayaa uu si walba u hubo fikradda ah: Itoobiya inay dal tahay, Soomaaliyana ay dal kale tahay; fikraddaas oo aad mooddo Soomaali badan oo gudaha ku sugan in waayadaan madmadow laga geliyey!

4. Sababta afraad ee aan dhanbaalkan u Soomaaliyeeyey waxay tahay ummaddu inay ogaato garaadka sare iyo maskaxda weyn ee dadkii xisbigii Leegada (SYL) ku soo barbaaray ay Soomaalida kale dheer yihiin. Waxaan ka xumahay inaan iraahdo, Leego cidi kama dambayn!, waanse ku qasbanahay. Sida ay taasi ku dhacdayna waa arrin u baahan in sababteeda baaris loogu noqdo, aynuna uga faa’ideysanno hawlaha dib-u-abuurka ummaddeenna marka aynu u qalab-qaadanno, haddiiba dadka dib loo abuuri karo! Haatanna waa dhanbaalkii oo Soomaaliyaysane, akhris wacan oo wax-ku-qaadasho leh.

Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen:

Shantii ilaa lixdii sano ee aynu soo dhaafnay, taliska Meles Zenaawi ee Itoobiya marnaba ma qarsan sida uu ugu raad-joogo meel-marinta himilada haliilka joogtada ahi weheliyo ee muddada qarniyada ah uu dalkaasi ku soo taamaayey; taas oo ah isballaarinta iyo dhul-ka-gogashada dalalka deriska la ah sida Soomaaliya. Boqorradii taliskan ka horreeyey sida Mililiqii IId iyo Xayle-selaasihii Id waxay galaangal ula tageen xoogaggii Reer Yurub ee xilligoodii, si ay uga kaalmeeyaan tabihii ay riyadoodaasi ugu dhaboobi lahayd. Hoggaamiyeyaashaasi waxay dareensanaayeen kaalmada caynkaas ah inay xaq u leeyihiin, helina doonaan, marba haddii iyaga iyo Kiristaanka Yurub ay diin qura wadaagaan.

Arrintaas iyada ahi si ay noogu sii caddaato, waxaa halkaan ku habboon inaynu markhaati ahaan u soo qaadanno, waxna ka soo xiganno warqad-wareegtadii caanka noqotay ee ku taariikhaysnayd 10kii Abriil 1891kii; taas oo boqor Mililiq uu ku hagaajiyey xoogagga Reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ruushanka. Qodobbadii dhawrka ahaa ee uu warqaddaas ku sheegay waxaa ka mid ahaa kii uu ku lahaa, “Afar iyo toban qarni ayay Itoobiya ahayd jasiirad ku dhex-taal bad wada cawaan iyo diinlaawe-yaal miiran ah”. Isla warqad-wareegtadaas meel kale oo ka mid ah wuxuu Mililiq ku yiri, “waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga Kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah”. Taasi ma aha sheegasho iyo himilo ku ekayd amaba la dhimatay Itoobiyadii Mililiq iyo Xayle-selaase ay ka talin jireen. Maantadan la joogo ayaa waxaa la maleegayaa qorsheyaal iyo shirqoollo hor leh oo lagu ebyaayo hawshii qabyada ahayd; hawshaas oo ah isballaarinta xagga dhulka iyo gacan-ku-dhigidda badaha ay ummadda Soomaalidu leedahay.

Riyadaas Itoobiya si uu uga dhabeeyo, Meles Zenaawi wuxuu isku deyayaa inuu qorshihiisa ku meelmariyo hab doqon-ma-garato ah iyo hannaan la dahaaray, isaga oo ay la tahay sidaas inuu ku gaari karo fulinta himiladiisa ku kooban qabsashada iyo xalaalaysiga dhammaan Soomaaliya amaba qaybo ka mid ah. Maabka dalka isaga oo isha ku haya, isla markaasna ka faa’iideysanaya ismari-waaga siyaasadeed ee xilligan Soomaaliya ka jira iyo, weliba, soohdimaha dheer ee ay Itoobiya la leedahay ayuu Zenaawi waxa uu ku shaqaynayaa tabo hor leh oo sida soo socota isugu xiga:

1. Marka koowaad, xoogagga shisheeyaha ah inuu ku qanciyo Soomaaliya in loo arko dal Itoobiya looga dambeeyo, iyadana wax laga weyddiiyo;

2. Marka labaaad, tabihii gaboobey ee gumeysteyaashii hore isaga oo adeegsanaaya inuu kooxba koox ku jeediyo, tolbana uu tol ku dilo;

3. Marka saddexaadna inuu si fudud ugu dhex-fido, danihiisa ku fushado, sidaasna uu ugu gogol-xaaro falka gunaanadka ah, siday qarnigii 19d yeeli jireen gumeysteyaashii Reer Yurub markii uu hooshkii Afriki socdey. Falka gunaanadka ahi waxa uu yahay Soomaaliya oo dhammaanteed ama qaybo ka mid ah ciidammo lagu qabsado, si kama-dambays ahna loogu daro Imberaadooriyadda Itoobiya!

Haddii aysan arrintu sidaas ahayn, waa maxay sababta hoggaamiyaha Itoobiya ay uga go’an tahay tan iyo 1996kii inuu dhexda ka kala jebiyo dedaal kasta oo lagu heshiisiinaayo kooxaha Soomaaliyeed ee tartanku ka dhexeeyo? Qaar ka mid ah qabqableyaasha dagaalka muxuu uga dhigtaa la-haysteyaal; kuwaas oo Addis Ababa iyo Soomaaliya inta badan Addis Ababa ku sugan, Zenaawi amarradiisana sida ay yihiin iyo su’aal la’an ku fuliya? Waxa uu Zenaawi taas uga gol leeyahay waxay tahay inuu qabqableyaashaas ka dhigto markhaati uu ku muujiyo, xoogagga shisheeyahana uu ku qanciyo Soomaaliyada maanta in loo aqoonsado dhul raacsan Itoobiyada maanta oo ku quud iyo qaaraan ah!

Bandhig-taariikheedkaas kooban ka sokoow, waxaa jira laba arrimood oo waaweyn, ilaa maantana Itoobiya iyo ummadda Soomaalidu aanay xal ka gaarin:

Arrinta koowaadi waa u-halganka madaxbannaanida ee ka jiri jirey gobolka ay Soomaalidu degto ee Ogaadeenya lagu magacaabo, kaas oo weli taliska Itoobiya ku hoos-jira. Dadweynaha gobolkaas dega aayahooda ayaa mar walba saldhig u ahaa colaadda labada dal.

Dadkaas oo ku dheggan xaqa ay aayo-ka-tashigooda u leeyihiin iyo Itoobiya oo xaqaas lama-duudsiyaanka ah diidmo la hor-taagan ayaa u sabab ah xiisadda joogtada ah ee astaanta u ah xiriirka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sida la garawsan karo, Soomaalidu waxay taageeraysey himilooyinka sharciyadda ku qotoma ee dadweynaha ay xigtada yhihiin, halkaasna ku dhaqani ay higsanayeen. Xiiisaddaasi waxay sabab u noqotay labadii dagaal ee ay labada dal isaga hor-yimaadeen 1900 iyo lixdannadii iyo 1900 iyo toddobaatannadii qarnigii 20d.

Sida ku xusan, hannaanka federaalka ee Itoobiyada uu Zenaawi maanta ka taliyo, gobolkaas ay Soomaalidu degto waxaa waraaqaha dushooda ugu qoran amaba lagu hafraa inuu u xuub-siibtay geyi madaxbannaan oo iskiis isu maamula. Hase ahaatee, runta biyo-kama-dhibcaanka ahi taas si walba ayay uga duwan tahay, sida aynu ku arki doonno meelo kale oo qoraalkan ka mid ah oo, si kooban, aannu arrintaas ugu falanqayn doonno.

Istaraatiijiyaddan sida xarfadda leh loo qorsheeyey, loona dhaqan-geliyey ee ku saabsan waxa lagu sheegay gobollaynta dalka iyo ismaamullada madaxa bannaan ayaad mooddaa in Soomaalida geyigaas ku dhaqan si fudud loogu siray, loogana tallaabsaday dabin dusha sare laga qurxiyey oo ay hadda ku dhex-dhaceen. Taasina, ugu yaraan, xilligan maanta la joogo, waxay dadweynahaas ka dhigtay samaley warma la’ aan cidina huur iska saarin, lana tixgelin!

Sidaasna waxaa ku baabba’day arrintii u-dagaallanka madaxbannaanida oo haatan noqotay baal ka mid ah baalasha taarikhihii hore ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, inta uu socdo halganka lagu tiigsanaayo xaqa dabiiciga ah iyo himilada sharciga cuskan, loogana gol leeyahay ummadda Soomaaliyeed ee xaqdarrada lagu kala googgooyey inay ku gaadho aayo-ka-tashigeeda iyo madaxannaanideeda; inta uu halgankaasi socdo shaki kuma jiro kuwa horseedka iyo hormuudka u noqon doonaayi hadba inay la kulmi doonaan niyad-jab, kacaa-kuf iyo goobo lagaga gacan-sarreeyo. Ha yeeshee, marba haddii ay ka go’an tahay qadiyaddaas xaqa ah ilaa dhammaadka inay u halgamaan, waxaa hubaal ah dagaalka kama-dambaysta ah inay iyaga guushu ku raaci doonto.

Arrinta labaadina waxay tahay soohdimaha labada dal oo aan weligeed si wadajir ah loo qeexin. Isla dhibaatadan ayaa ahayd sababtii ugu weyneyd ee dhalisay dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya ka dhex-dhacay intii u dhexaysey 1935kii-1936kii; kaas oo soo gebaggaboobey kaddib markii uu Talyaanigu dalkaas gacanta ku wada dhigay.

Dabayaaqadii 1949kii kolkii Soomaaliya qaybtii uu Talyaanigu ka talin jirey Qarammada Midoobey la hoos-geeyey, awoodda maamulkeedana Talyaaniga loo agmadey; waqtigaas isaga ah Qarammada Midoobey si buuxda ayay uga dheregsanayd dhibaatadan soohdinta ee aan la isla meel-dhigin. Labada dhinac ee ay arrintu khusayso waa Itoobiya iyo Talyaanigee ayay hay’addaas caalamiga ahi waxay ku guubaabisay inay si toos ah arrinta uga wada hadlaan, xalna uga gaaraan ka hor inta aanu dhulkaasu gobannimadiisa qaadan.

In kastoo Talyaaniga iyo Qarammada Midoobeyba ay wax-ka-qabadka arrintaas ku dedaaleen, haddana bartamihii 1900 iyo lixdannadii ayay Soomaaliya gobannimadeedii qaadatay, iyada oo aan Itoobiya la lahayn soohdimo qeexan oo lagu nabad-geli karo. Taasna waxaa sabab u ahaa tabihii manjo-xaabinta iyo waqti-lumiska ee ay Itoobiya ku dhaqmaysey iyo ,weliba, iyada oo wax tanaasul ah aan inna dhego u lahayn. Sidaas darteed, ilaa maanta labada dal waxa kala soocaa waa xarriiqda kummeelgaarka ah; taas oo dabayaaqadii 1949kii uu sameeyey maamulkii Ingiriiska ee markaas xilka wareejinaayey, isaga oo uga gol lahaa inay noqoto tallaabo aan ku-dhaqan dheer lahayn oo xilligaas uun ku eg.

Ingiriiska oo hormuud ka ahaa kala-googgoynta ummadda Soomaaliyeed oo ah ummad dhinac walba isaga mid ah ayay malaha qaniinyada damiirku danaqday, markaas ayuu dagaalkii 2d ka dib si aan kal iyo laab ahayn wuxuu u soo jeediyey in ummaddaas kala qaybsan dib loo mideeyo, iyada oo taana magaca Soomaali-weyn lagu meel-marinaayo.

Ha yeeshee,qorshahaasi ma suuraggelin, waxaana ugu wacnaa maamulkii waqtigaas oo isbeddal ku yimid iyo, weliba, dano kale oo uu Ingiriiska arrintaas uga muhiimsanaa; taas oo u horseedday inuu wax walba sidoodii hore u daayo. Haddaba, iyada oo ka faa’idaysanaysa maqnaanshaha cod Soomaaliyeed oo caalami ahaan la aqoonsan yahay ayay xukuumaddii Ingiriiska ee markaas jirtey, dhinaca Itoobiyana u janjeertay waxay xarriiqdii kummeelgaarka ahayd ka jeexday bartii ay Itoobiya u doonaysey!.

Muddo toban sano ka badan ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya hadduu soo jiitamaayey, Soomaaliduna ay si buuxda u muujisay inaanay awood u lahayn arrimahooda gudaha inay maaro u helaan ayaad mooddaa Itoobiyada Meles Zenaawi inay taasi ugu muuqatay fursad u soo martay. Waxay u aragtay in la gaarey waqtigii ku habboonaa ee ay ka faa’idaysan lahayd Soomaalida jilib-jilibka iyo degmo-degmada u dagaallamaysa, garaad waddaninnimo iyo mid qawmiyadeedna aan, haba yaraatee, lagu ogeyn. Itoobiyada Zenaawi waxay haddana og tahay, kana faa’idaysanaysaa bulshada caalamku inay ka niyad-jabtay, kana daashay dhibaatooyinka Soomaaliya ee loo maaro waayey, markaasna, waxay mudanayso ha mudatee, iyada iyo waayaheeda faraha la isaga qaaday! Arrintaasina waxay Itoobiya u suuraggelinaysaa inay noqoto awoodda keliya ee laga tixgeliyo Geeska Afrika oo leh xeeb dheer iyo dekado casri ah oo maraakiibta waaweyni ay ku soo xiran karto.

Hadalkii oo kooban, waxaa muuqata Itoobiya inay maanta ka go’an tahay Soomaalida iyo bulshada caalamkaba inay u caddayso wax iska dhammaaday inay yihiin labadii arrimood ee kala ahaa madaxbannaanida Ogaadeenya iyo soohdimaha aan qeexnayn ee labada dal. Taas oo keliyihii kama go’nee, waxay u tafo-xaydan tahay weerar ay uga gol leedahay cadcad inay u kala googgoyso wixii Soomaalida ka haray; dawlad ahaan iyo ummad ahaanba. Arrintan haddii dhinac kale laga eego, waxaa muuqata Itoobiyada Zenaawi inay ka leedahay laba ujeeddo oo isfeer-socda, isla markaasna iskaabaya. Middood ayaana midda kale iyaga uga degdegsan.

Tan koowaad ee haddana ugu muhiimsani waxay tahay in god dheer lagu hubsado arrimihii ku saabsanaa himilada madaxbannaanida Soomaalida iyo murankii soohdimaha, si kama-dambays ahna loogu arko bog xirmay oo ka mid ah bogagga taariikhda. Sida ugu habboon ee taas lagu meel-marin karaana waa burburinta iyo baabba-ka-yeelka dawladda Soomaaliyeed; dawladdaas oo ah waxa ay Itoobiya u aragto kicinta dadweynaha iyo car-isu-taagga inay iyadu sabab u tahay. Taasi kolkii ay u meel-marto, waxaa iyadana si fudud loo gaari karaa ujeeddadii kale iyo riyadii da’da weyneyd ee ahayd Soomaaliya oo idili qayb Itoobiya ka mid ah inay ku dambayso!

11kii Sibtembar ka dib

Si degdeg ah ayay Itoobiya waxay dardar cusub u gelisay faroggelintii xumaatada huwanayd ee ay ku haysey arrimaha gudaha ee Soomaaliya; iyada oo ka faa’idaysanaysa 11kii Sibtembar falalkii naxdinta lahaa ee dhacay iyo maantaas ka dib welwel iyo hiyikac siyaado ah wixii ay dhacdooyinkaasi dunida oo dhan ku ekeeyeen.

Sidaas darteed, falalkeedii hore kuma adkaysan oo keliyahe, waxay Itoobiya beryahan dambe aad u xoojisay muddadii 10ka sano ahayd ku-xadgudubkii ay kula kacaysay madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhammaanshaha dhulkeeda. Si joogto ah ayay ciidammadeedu dhowaanahan u soo gelayeen qaybo Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Waqooyi-bari (Puntland); iyada oo, haba yaraatee, aanay jirin marmarsiinyo run cuskan oo aan ka ahayn halkudhegyada haatan laga daaley ee laga badbadiyey sida Al-itixaad iyo argaggixiso.

Tan iyo 11kii Sibtembar, erayga laga wada baqo ee argaggixiso ayaa wuxuu noqday qalab waxtar ah oo ay adeegsato cid walba oo sida Itoobiya ay ka hor-muuqato dan iyo ujeeddo ay fushanayso; iyada oo aan ka cabsanayn inna wax canaan ah oo uga timaadda meelaha wax canaanan kara, gaar ahaan ummadda adduunka ugu xoogga badan; waa Maraykankee. Qof Alle qofkii fursaddaas wacani ay dhaafto ama ka faa’idaysan waayaana wuxuu noqonayaa doqon salleello ah, Zenaawina ma aha, umana dhowa!

Sababahaas aan soo taxnay daraaddood, tan iyo 1996kii Itoobiyada Zenaawi waxay ahayd dhagaxa ay ku dul-burburto tallaabo kasta oo loo qaado xagga dib-u-heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed. Si ay dedaalka caynkaas ah u manjo-xaabiso waxay Itoobiya kaalmaysaa, isla markaasna dhiirri-gelisaa qabqableyaasha dagaalka tiro ka mid ah. In kastoo kuwaas badankoodu ay hadda cidla’ taagan yihiin oo aysan taageereyaal lahayn,haddana,iyada oo garabgalka Itoobiya uu ugu wacan yahay, waxa ay weli awood u leeyihiin wararka inay ku jiraan oo magacyadooda idaacadaha laga maqlo, tilmaanta haatan laga xishoodo ee “qabqable-dagaal” iyaga oo huwanna ay iyada nolol ka daydaan, kuna xoogsadaan.

Sidoo kale, Itoobiya waxay ku guuleysatay inay sasabato oo ay oggolaansho ka hesho qaar ka mid ah hoggaamiye-dhaqmeedyada koonfurta iyo waqooyiga dalka ku kala sugan, si dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay u soo gasho mar alla markii ay dan u aragto,iyada oo ammaankeeda qaran marmarsiinyo ka dhiganaysa. In kastoo hagaag loo duri karo hoggaamiye-dhaqameedyada awoodda siinaysa sharciyaynta ku-xadgudubka ay Itoobiya kula kacayso dhammaanshaha dhulka dawladda Soomaaliyeed, haddana oggolaansho doonashada qudheeda ayaa waxay si caddaan ah u muujinaysaa waxa u qarsoon ee Itoobiyada Zenaawi ay Jamhuuriyadda Soomaaliya la maaggan tahay!

Waxaa lagama-maarmaan ah in la xusuusto laba sano iyo dheeraad ciidammo Itoobiya leedahay inay si joogto ah xeryo ugu lahaayeen, una fadhiyeen intooda badan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo. Weliba dhulka ay degganaayeen waxaa ka mid ah meelo magaalooyin ah sida Baydhabo, Luuq, Xuddur iyo Buulo-xaawo. Qof kasta oo isku deyey ciidammadaas dalka qabsaday inuu su’aal ka keeno waxaa lagu dhejiyey inuu Al-itixaad ka tirsan yahay, sidaasna uu argaggixiso ku yahay, dabadeedna waxa uu mudan karo, cidi kaama xigtee, adiguba bal malee!

Waxaa iyaguna jirey warar aad loo baahiyey oo sheegaaya 11kii sibtembar ka dib,faro-gelinta dardarta cusub la geliyey ee Itoobiya ay kula kacday arrimaha gudaha ee Soomaaliya in loo qaadan karo hawlo ay Maraykanka wakiil uga ahayd. Wargeyska Washington Post ee soo baxay 4tii Nofembar, 2001dii siduu qoray, dawladda Maraykanku waxay Itoobiya kala shaqaynaysaa qorshe wadajir ah; kaas oo ay Itoobiya ku heli doonto tabobbar xagga wardoonka ah iyo, malaha, qalab iyo gaadiid. Haddaba, wararka caynkaas ahi haddii ay run noqdaan, Soomaali Allaha u naxariisto!

Mar kale, hadalkaasi hadduu dhab yahay, waxaa u eg tahay Maraykanka in la siiyey talo aan hagaagsanayn oo ku ridi karta waddo aan hagaagsanayn, timaaddadana dhibaato xaddi ballaaran laga filan karo. Ruux kasta oo si fiican ula socda taariikhda qarniyada soo taxnayd ee Itoobiya iyo Soomaaliya marnaba kuma uu degdegeen inuu Itoobiya adeegsado, si uu Soomaaliya gudaheeda uga fuliyo ujeeddooyin cayiman iyo bartilmaameedyo qeexan. Habka keliya ee ay taasi ku hirgeli kartaa waa ciidammada Itoobiya inay si toos ah dalka u qabsadaan; iyaga oo ku naalloonaaya madax-salaaxa iyo taageerada dawladda Maraykanka.

11kii Sibtembar toddobaaddadii xigey ee hiyikaca ballaaran iyo walaacu ay dunida saabteen ayaa, sida lagu warramay, waxaa laga shaqaysiiyey qorshihii wadajirka ahaa ee Itoobya iyo Maraykanka. Kooxo labada dhinac ka tirsan oo iskaashi xagga wardoonka ahi uu ka dhexeeyo ayaa loo diray qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, si ay u soo baaraan dalkaas gudihiisa inta uu awood ku leeyahay ururka jiritaankiisa sida weyn loo buunbuuniyey ee Al-itixiaad. Arrintaasna waxaa dardar geliyey saraakiil sarsare oo Maraykan ahi markii ay ku dhawaaqeen Soomaaliya inay tahay bartilmaameedka Afgaanistaan ku xigi doona.

Baaristii xagga wardoonka ee uu Maraykanku gudaha dalka ka sameeyey waxaa, sida muuqata, ka soo baxay inaan wax caddayn ah loo haynin arrintii muddada dheer la wadwaday ee ku saabsanayd awoodda iyo saamaynta Al-itixaad uu Soomaaliya ku leeyahay; taas oo ahayd Itoobiya iyo ilo kale oo warmoog ahi wax ay dunida ka dhaadhiciyeen. Sidaas darteed, waxaad moodda xukuumadda Maraykanku inay u aragtay wax aan faa’iido ku jirin inay maal iyo xoogba ugu sii waddoo hawl-qabadkii loo dhammaa’ ee lagu soo warramay iyada iyo Itoobiya inay wada qorshaynayeen. Haddii ay arrintu sidaas tahayna, waa dharbaaxo xoog leh oo ku dhacday ra’iisal-wasaare Meles Zenaawi rajadiisii ahayd inay xukuumadda Maraynku kala qayb-gasho ka-faa’iidaysiga iyo faroggelinta foosha xun ee arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu ku hayo.

Dhaqdhaqaaqii xoraynta ee Zenaawi kolkii uu ololaynaayey xukuumaddii keli taliska ahayd ee Mengistu in talada laga wareejiyo, waxa uu lahaa barnaamij ku ballan-qaadi jirey habkii xukun-shuuciga iyo keli-talisnimada ee dalkaasi ku socdey inay xididdada u siibi doonaan, Itoobiyana ay u rogi doonaan dimoqraaddiyadda baarlamaaniga ah dal lagu maamulo.

Haddii arrintaas dhab loogu sii fiirsado, macnaheedu wuxuu ahaa isla markiiba in dhidibbada loo aaso hannaan cusub oo dastuuri ah; kaas oo leh qaabka lagu yaqaan dawlad federaal ah. Hannaankaas ayay tahay, iyada oo qaynuunka la raacayo, inuu ilaaliyo qawmiyadaha ay dawladdaasi ka kooban tahay, si ay mid waliba u yeelato ismaamulkeeda madaxa bannaan, iyada oo, juqraafi ahaanna, ku dhaqan dhul qeexan oo loo og yahay. Awoodda qura ee xukuumadda federaalka ahi leedahay waxay tahay: gaashaandhigga qaranka, maaliyadda iyo arrimaha dibedda. Runtii, waa war wanaagsan,hase ahaatee, sida la yiri, dhadhanka doolshaha markii la cuno ayuun baa loo tagaa.

Bilihii Mey iyo Juun 1991kii, isla markii uu xukunka gacanta ku dhigayba, Meles Zenaawi wuxuu si degdeg ah u burburiyey taliskii Mengistu ee ku dhisnaa habkii shuuciga ee Soofiyeetka . Halkiisii, wuxuu taliska cusubi soo geliyey hab dastuurigii federaalka ahaa ee lagu ballan-qaaday; iyada oo dalkii loo qaybiyey gobollo federaal ah oo iskood isu maamula,qawmiyadana ku dhisan. Arrinta kala furfuridda hab xukunkii xoogga lahaa ee ay qawmiyadda Amxaaradu hormuudka ka ahayd ma ahayn fikrad daacadnimo ku dhalatay iyo dareen aadaminnimo amaba tallaabo looga gol lahaa silic-ku-noosha dalkaas in laga bedbaadiyo maamulladii cadaadiska ku hayey ee muddada qarniyaasha ah madaxa kaga fadhiyey. Sababta runta ah ee ka dambaysa xukun-baahinta iyo abuurka hannaanka federaalka ah waxaa laga lahaa laba ujeeddo:

1) Tan koowaadi waxay tahay habka federaalka debecsan in laga dhigto xayndaab adag oo lagu hor-joogsanaayo Amxaarada oo ay suuraggal tahay inay xukunka ku soo noqdaan;
2) Ujeeddada labaadina waxay ahayd in habkaas loogu adeegto qalab dib loogu abuuro, lagu adkeeyo oo lagu joogteeyo talis ay qawmiyadda Tigraygu hormuud ka tahay. Riwaayadda inteeda kale waxay ahayd, welina tahay indho-sarcaad iyo walalac been ah.

Waayo-aragnimada laga dhaxlay 10kii iyo dheeraadkii sano ee aynu soo dhaafnay siday inoo muujinayso, ma jiraan faa’iidooyin sheegis mudan oo, Tigrayga mooyee, ummadda inteeda kale u soo hoydey. Xataa waxaan waxba ka naaso-caddayn xorriyadda hadalka oo si gaar ah iyada in badan loo buunbuuniyey. Runtii waa wax aan magaca dhaafsiisnayn waxa lagu sheego gobollo madax bannaan oo dastuurka qoran haddii la raaci lahaa yeelan kari lahaa awoodo sharci-dejineed oo ismaamulka ku saabsan. Iyada oo adeegsanaysa khiyaamooyin iyo tabo inkaaran ayay xukuumadda dhexe ee Zenaawi waxay soo magacwdaa madaxda gobollada, sidaas daraaddeedna waa malluugyo aan cod lahayn oo kolba dhinac loo jeediyo.

Si kale haddii loo yiraahdo, waa wax lagu dagmi karo haddii gobolladaas lagu sheego kuwo ‘madax bannaan oo iskood ismaamul u leh. Waxay taasina aad u muuqanaysaa markii loo fiirsado tabaha khiyaamooyinka huwan ee uu Zenaawi u samaystay faro-gelinta arrimaha gudaha ee gobolladaas iyaga ah; tabahaas oo ay ka mid yihiin ciidammadiisa meel walba tuban ee sida xoogga leh u hubaysan, kana wada tirsan qawmiyadda Tigrayga.

Mashruuca dhabta ah ee meel-marintiisa lagu hawllan yahay waa in la dhiso xukun Tigraygu calanka u sido oo Itoobiya ka hirgala. Ilaa maanta, wuxuu u eg yahay mashruuc shaqaynaya, su’aasha cid walba u furanse waxay tahay: waqti immisa le’eg ayay sidan wax u soconayaan? Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan dibadda soo shaac-baxay astaamo muujinaya dadweynaha Itoobiya baraarug ku soo kordhay iyo taliska halkaas ka jira sida looga qash dhacay, niyaddana looga nacay.

Sababaha iyo ujeeddooyinka aan soo xusnay ka sokow, muruq-gilgilka iyo dhoollo-tuska ay Itoobiya ka waddo soohdimaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa suuraggal ah inuu ku lug leeyahay dhibaatooyinka isa soo taraya ee gudaheeda ka aloosan. Markaas oo kale, si qulquladaha gudaha ka jira ummadda looga jeediyo, sida Al-itixaad iyo argaggixiso in cadow dibedda ah loo abuuraa, waa tab weligeed soo jirtey oo buuraha la da’ ah!

Ra’iisal wasaare Meles Zenaawi waxa uu istusay Soomaaliya inay tahay goob aan cidina cid ka xigin; taas oo ah sababta wax laga saari karo dalkaas habaaran faro-gelinta joogtada ah ee arrimihiisa gudaha uu ku hayo. Waxa uu falkaas ugu dhiirranayaana waa mawqifyada iska soo horjeeda iyo xiisadaha soo af-jarmi waayey ee Soomaaliya siday faraha ugala baxeen ururrda caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Qarammada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Islaamka iyo, weliba, warbaahinta dunidu.
Ka-hor-tag iyo car-isu-taag iyaga haba sheegine, cid uu ka cabsado ama ku canaanata kolkii uu arki waayey ayaad mooddaa Zenaawi inuu uba qaatay Jamhuuriyadda Soomaaliya halka aan anigu weli u aqaani inay tahay arli qayb ka ah Itoobiyada uu hadda milikiga u yeeshay.

Waa yaabe, arrinta ay runteedu sidaas tahay ayuu, indho-adayggiisa, wuxuu Zenaawi isku deyayaa caalamka inuu madaxiisa manjo u rogo, isuguna muujiyo inuu yahay nin daacadnimo ka badatay oo haysta kalsoonida ummadda Soomaalida, sidaas darteedna doonaaya kaalin hormuudnimo oo wax-ku-ool ah inuu ka galo hawlaha dib-u-heshiisiinta qaran ee Soomaalidu sida weyn ay baahida ugu qabto. Dhab ahaanna, ujeeddada u hillaacaysaa waxay tahay ummadda iyo dawladnimada Soomaalidaba inuu u kala googgooyo degaammo yaryar oo mid walba uu ka taliyo qabqable-dagaal dabodhilif ah, isaguna shan farood iyo calaacal uu meesha ku geystey. Taasi markay hirgashana, adeegeyaashaas yaryar ee midiidinka laga dhigay waxay Addis Ababa u arki doonaan magaalo-weynta xaruntooda ah, waxaana ku xiga inay rajadeedu dhimato ummad Soomaaliyeed oo dawlad leh; halkaasna waxaa ka bilaabanayaa fulinta heerkii ugu dambeeyey tallaabadii dalka oo idili uu Itoobiya kaga mid noqon lahaa!

Haddaba, su’aasha taagani waxay tahay: Ilaa goorma ayuu damiirka caalamiga ahi u dulqaadan doonaa ama uu ka indho-qarsan doonaa hanti-ka-qaadka sidaas u qaawan ee horornimada ba’ani ay ka muuqato?

Waxaa qoray: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

W/T: Axmed F. Cali ‘Idaajaa’

Qormadaan Waxaa kasoo xigtay raxanreeb.com.
maxamed jeyte.


1 comment: